Guddiga maamulka doorashada Koonfur Galbeed oo qabtay Tartanka kursiga Hop#193

Guddiga maamulka doorashada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qabtay Tartanka kursiga sumadiisa ay tahay Hop#193 oo ay ku tartameen musharaxiinta kala ah:
1-Musharax Xildhibaan mudane, Cabdulaahi Aadan Axmed (Black) iyo
2. Musharax Xildhibaan mudane, Cabdiqaadir Maxamed Cali (Baashi)
Mudane Cabdulaahi Aadan (Black) ayaa helay codad dhan 66 cod, halka musharaxii la tartamayey Cabdiqaadir Maxamed Cali (Baashi) uu helay 31 cod.
Codadka xumaaday waa 3 cod
Natiijada hordhaca ah waxaa kuso baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#193 Xildhibaan Cabdilaahi Aadan Axmed (Black)