Guddiga Maaliyadda ee Labada Aqal BJFS oo u yeeray Wasiirka Maaliyadda XFS

Guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee la xiriira kor-joogteynta, isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maaliyadeed ee hay’adaha dowladda, ayaa maanta kulan wadajir ah ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige iyo xubno kale oo la socday.

Kulanka oo ay si wadajir ah u shir-guddoominayeen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer), iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), ayaa Wasiirka wax lagaga waydiiyay su’aalo ku saabsanaa odoroska miisaaniyadda 2027-ka.

Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee la socday, ayaa si faah-faahsan uga jawaabay dhammaan su’aalihii xubnaha guddiga ee la xiriiray odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2027-ka. Waxaana intaas kaddib, xubnaha Guddiyadu ay isku raaceen in hindise-sharciyeedka Miisaaniyadda 2027-ka loo gudbiyo kulanka wadajirka ah ee labada Gole, si loo marsiiyo akhrinta labaad.