Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda, oo uu hoggaaminayay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, iyo masuuliyiin kale oo la socotay.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga, Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), ayaa ujeeddadiisu ahayd in madaxda Wasaaradda Maaliyadda ay faah-faahin iyo fasiraad dheeraad ah ka bixiyaan Hindise-Sharciyeedka wax-ka-beddelka sharciga bangiga dhexe law No 130-2012, gaar ahaan dhinaca erey bixinnada, si ay xubnaha Guddigu u helaan aragti iyo xog ku filan oo ka caawisa sixitaanka iyo turxaan-bixinta sharciga.








