Guddiga joogtada ah ee aqalka sare oo ka shiray ajendayaasha kalfadhiga 7-aad

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 1-aad ee kalfadhiga toddobaad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Ugu horrayn, kulanka waxaa lagu dhaariyay Sanatar Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley), oo dhowaan Golaha Wakiillada Puntland ay u doorteen inuu ka mid noqdo Sanatarrada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Intaasi ka dib, xubnaha Guddiga Joogtada Aqalka Sare ayaa ka dooday diyaarinta iyo jadwalaynta qorshe howleedka Golaha iyo Guddiyada aqalka sare ee kalfadhiga todobaad, iyagoo soo jeediyay talooyin muhiim u ah dardar-gelinta hannaanka shaqo ee waajib gudashada Guddiyada iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Cali Shacbaan, oo kulanka soo xiray, ayaa xubnaha Guddiga Joogtada Aqalka Sare kula dardaarmay inay dardar geliyaan howlaha shaqo ee Guddiyada una diyaar garoobaan waajibka gudashada shuruucda muhiimka ah ee golaha horyaala.