Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, waxaana kulanka shir Guddoominaysay Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo ay wehliyaan xoghayaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif iyo Xubnaha kale ee guddiga.
Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa la xisaabtan iyo kor joogteyn, waxaana wasiirka oo ay wehliyeen mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda iyo Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed uu xubnaha guddiga uga warbixiyey qorshe howleedka iyo qaab dhismeedka guud ee wasaaradda iyo waxyaabaha u qabsoomay
Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa su’aalo ay ka mid yihiin qorshaha wasaaradda uga degsan horumarinta dhallinyarada iyo cayaaraha iyo tirada garoomada kubada ee gacanta wasaaradda ku jira weydiiyey wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay oo dhankooda uu ka jawaabayay su’alaha ay xubnaha guddiga weydiinayeen.
Guddoomiyaha Guddiga Horrumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo kulanka soo xirtay ayaa u mahadcelisay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha iyo sidoo kale mas’uuliyiintii kale ee la socotay, waxayna sheegtay in kulankan uu qeyb ka yahay kulamada la xisaabtanka ee hay’adaha iyo wasaaradaha uu guddiga kor joogteynta ku leeyahay, iyadoo sidoo kale sheegtay in wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ay kala shaqeyn doonaan shuruucda muhiimka u ah horumarrinta dhallinyaradda Soomaaliyeed.