Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland oo shaaciyay Guddiyada xulista Ergooyinka kuraasta 6-da ah

Guddiga Hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland SEIT waxay halkan kusoo gudbinayaan Guddiyada xulista Ergooyinka kuraasta 6-da ah ee la shaaciyay 23/12/2021 kuwaasoo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan dawlad Goboleedka Jubaland.

Guddiga Hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed  ee Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay qabashada doorashada lix kursi iyo jadwalkooda oo ah xilliga la qabanayo.

Maamulka Jubbalamd ayaa noqon doona Maamulka Saddexaad ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyay Galmudug iyo Koonfur Galbeed.