Guddiga gurmadka Qaran ee qaraxii Liido oo ka hadlay howlaha hortebinta u leh

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka Qaran ee qaraxi Liido, Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa xarunta dhexe ee SoDMA ku shir guddoomiyay kulanka guddiga gurmad Qaran.

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo xubnaha kale ee guddiga ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda dhaawacyada weli Isbitaalada ku jira.

Guddiga ayaa isku raacay in min 2,000 oo dollar la siiyo qoysaska ehelladooda ku waayay weerarkii Xeebta Liida, kuwaas oo haatan inta la xaqiijiyay gaaraysa dhimashadooda 41 ruux balse inta la hubiyay ee lacagta la siinayo ayaa ah 31 qof ehelladooda kuwaas oo maray habraacyada hay’adda.