Guddiga Gurmadka Abaaraha gobolka Awdal oo deeq lacag ah la wareegay

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaran ee (SoDMA),Md Maxamuud Macallinayaa shirjaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMAlacag dhan $700,000 ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka taas oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu ku saameeyeen ee ku nool gobolka AwdalMunaasabaddaas waxaa ku weheliyay wasiir iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soojeeda Deanna’s ay abaartu sida ba’an u sameysay.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa cadre yay  in lacagtaaslagu wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee gobolkaAwdal si ay u gaarsiiyaan dadka u baahan gurmadka degdeg ah, asagoo hadalkiisa raaciyay in lacagtaasi aysan ku filneen reerawdal loona baahanyahay in dadaalka gurmadka lasii labajibaaro.

Dhankooda wasiiradii iyo xildhibanadii goobtaasi ka hadlay oo kale ahaa:

1. Wasiirka Howlaha Guud JFS  Dr Cilmi Maxamuud Nuur
2. Wasiiru dowlaha Amniga JFS Maxamed Cali Xagaa
3. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Dr Maxamed XasanMaxamed Bulaale
4. Wasiir ku xigeenka Betroolka Cabdiwahaab (Cananuug)
5. Xildhibaanad Caasho  (koos)

Dhammaan waxay soo shorten deeqdaasi lacageed,waxay si gaar ah mahadcelin ugu jeediyeen Madaxweynaha JFS, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliyaiyo golahaWasiirada ayagoo sheegay iney garab istaageen reer Awdalxiligii ugu adkeed,  sidoo kale  wasiirrada waxay mahadcelin u jeediyeen maamulka Gobolka Banaadir si gaar ah gudoomiyahaGobolka Banaadir Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Munaasabadaan ayaa timid ka dib markii dhawaan Golahawasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay dadka reer awdal uguyabooheen lacag dhan $500,000 sidoo kale Maamulka GobolkaBanaadir ayaa dhankooda ku deeqay lacag dhan $200,000

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMAayaa wada Dadaalo xoog leh oo lagu garab istaagayo dadkaabaaraha ay saameeyeen ee ku nool Gobolka AwdayayadooHey’addu ay qabato shirar iyo Kulamo Gaar gaar ah tasoo lalayeesho qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiinGanacsatadaCulimadahey’adaha Maxaliga iyo kuwacaalamiga ayadoona u jeedadu ay tahay garab istaaga dadka reer Awdal.