Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Golaha sare ee Doorashooyinka Dalka Turkiga

Ankara:-Wafdi uu hogaaminaaya Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Cabdikariim Axmed Xasan oo howlo shaqo u jooga Dalka Turkiga ayaa waxaa xaruunta dhexe ee Golaha sare ee Doorashooyinka Turkiga ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Golaha sare ee Doorashooyinka Turkiga Ahmet Yener.

Intaasi kadib xaruunta dhexe ee Golaha sare ee Doorashooyinka Turkiga ayaa lagu qabtay kulan muhiim ah oo u dhaxeeya Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha iyo Golaha sare ee Doorashooyinka Turkiga, kulankaan ayaa ah mid bilow u ah kulamo ka dhicidoona Ankara, oo ah kulamo ay guddiyada isku dhaafsan doonaan xog iyo aqoon isweysaarsi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qaab-dhismeedka guddiyada, Arrimaha diiwaangellinta codbixiyaha iyo sida Dowladda Turkiga ay ugu guuleysatay in dadkooda Dibadda jooga (Diaspora) ay ka qeyb qaataan doorashada dalka.

Guddiyada ayaa Sidoo kale kulamo la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Agaasimaha Waaxda Africa iyagoo warbixin kooban Ka siiyay howlaha diiwaangellinta codbixiyaha iyo iyo qorahaha doorashooyinka.

Guddiga Doorashooyinka Hay’adaha Kala duwan ee ay la kulmeen ayaa ku wada heshiiyay wada shaqeyn iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhinaca technoloojiyada iyo tababaridda howl-wadeenada si kor loogu qaado xirfadooda.