Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Hodan ka daahfuray qaybinta kaarar-ka codbixiyeyaasha doorashooyinka.
Guddoomiyaha Guddiga Hoosaadka Howlgallada Doorashooyinka Qaranka, Maxamed Amiin Xasan, ayaa sheegay in guddigu maanta degmada Hodan si rasmi ah uga bilaabay qaybinta kaararka, isla markaana shacabka is-diiwaangeliyay ay halkaas ka qaadan karaan kaarka codeynta doorashooyinka.
“Waxaan ugu baaqayaa bulshada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u soo baxaan qaadashada kaarka codeynta, si ay ugu codeeyaan doorashooyinka soo socda,Waxaana maanta degmada Hodan ka daahfurnay qaybinta kaarka codeynta doorashooyinka,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Hoosaadka Howlgallada Doorashooyinka Qaranka Mudane Maxamed Amiin Xasan.
“Dadweynow” u soo baxa oo qaata kaararkiina codbixinta, waa diyaar adeegyadiinna degmada Hodan” ayuu yiri Cabdikariin Cali, oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee maanta degmada Hodan ka qaatay kaarka codeynta doorashooyinka.
Guddiga Doorashooyinka ayaa horey sidan oo kale uga daahfuray qaybinta kaararka toddobo degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo sida guddigu sheegay ay shacabka caasimaddu 25-ka bisha Disember sanadkaan u dareeri doonaan doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

