Guddiga doorashooyinka oo qabtay kulan looga hadlayo dardar gelinta Diiwaangelinta

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dooraashooyinka Qaran iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ka qayb-galay kulan lagu dardar-galinaayey howlaha diiwaan-gelinta Codbixiyaasha kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb-galay Xoghaya guud ee guddiga iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha iyo howl-wadeenada ka shaqeeya diiwaan-gelinta Codbixiyaasha.

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa howlaha diiwaan-gelinta Codbixiyaasha ee ka socota Degmooyinka gobolka Banaadir, sidoo kale kulanka ayaa warbixinno looga dhagaystay hawl-wadeenada u xilsaaran hawlaha Diiwaan-gelinta ee dhamaan xarumaha hada shaqadu ka socoto.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qarank iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa howl-wadeenada kula dardaarmay dardar-gelinta shaqada iyo in ay ka shaqeeyaan cadaaladda.