Guddiga doorashooyinka oo doortay Guddoomiye ku meel gaar ah

Kulan rasmi ah oo ay maanta yeesheen guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa u doortay Mudane Muuse Geele Yuusuf gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee guddiga.

Guddoonkaan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qaban qaabada iyo qabashada guddoonka guddiga Qaran ee hagaya doorashada.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dhisay guddi ka kooban shan (5) xubnood oo qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4-July-2021.

Guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro ayaa xilka ku wareejiyey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub.