Guddiga Doorashooyinka maamulka K/galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo+Sawirro

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur galbeed maanta waxaa dib ugu laabtay Guddiga Doorashooyinka maamulkaas.

Guddiga ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku qaadanayay tababar la xiriira arrimaha Doorashooyinka.

Muddada kooban ee tababarka u socday ayaa lagu baray nidaamka maamulka doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, taasoo ay bixinayeen khubaro aqoon u leh arrimaha doorashooyinka.