Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo digniin u diray Xubnaha kamid ah Guddiga FEIT

Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal FEIT waxaa uu baaq u dirayaa xubin walba oo guddigan FEIT ka tirsan oo qaada talaabo aan waafaqsaneyn go’aankii guddiga ee kor ku xusan ay ku sifoobi doonaan kuwo caqabad ku ah hanaanka geedi socodka iyo dhameystirka doorashooyinka, cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda iyagu qaadi doonaan.

Qoraal guddiga kasoo baxay ayaa lagu sheegay inay si wada ogol ah u qaateen go’aanka ay horay u soo saareen ee ahaa in doorashada 16 kursi laga wareejiyo Garbahaareey loona wareejiyo degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Haldalka Guddiga ka soo baxay ayaa imanayay xili shalay xubno Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay tegeen degmada Garbahaare ee Xarunta Gobolka Gedo.