Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo shaaciyay Jadwalka doorashada Saddex kursi

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Maanta shaaciyay guddiyadda xulista kuraasta kala ah HOP#012, HOP#048, HOP#137 iyo waqtiga la qabanayo Doorashada Saddexda Kursi.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in 24-ka Bishaan oo beri ah la diiwaangelin doono musharrixiinta Saddexda kursi oo doorashadooda ay ka dhaceyso Magaalada Dhuusamareeb 25-ka Bishaan,waxaana kuraasta doorashadooda la qabanayo ay kala yihiin.

1: HOP#012

2: HOP#048

3: Hop#137