Guddiga Doorashadda Galmudug oo tababar u soo xiray Ciidamo iyo sarakiil sugaya Amniga doorashada

Guddiga Doorashadda Heer dowlad Goboleed eeĀ  Galmudug ayaa maanta booqday xarun hawlgalladda Amniga Doorashooyinka gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, halkaa oo ay tababar ugu soo xireen saraakiil iyo ciidamo loo tababaray sugidda xarunta hawlaha amniga ee magaalada Gaalkacyo.

Munaasabada xiritaanka waxaa kala qeyb galay guddiga Doorashooyinka heer federaal, maamulka Gobolka Mudug, Duqa Degmadda Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa.

Munaasabadaa ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ciidanka iyo saraakiisha loo tababaray maamulka iyo gacan ku haynta xarunta amniga Doorashooyinka magaaladda Gaalkacyo.