Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay Jadwalka Guud ee Doorashada Guddoonka iyo hoggaamiyaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.
Guddiga ayaa 19-Octoober 2026, u qoraheeyay shaacinta Golaha Wakiillada Hirshabeelle, halka la dhaarinayo 20-Octoober.
21-Octoober 2026, ayaa loo asteeyay in la qabto Araajida musharaxiinta Guddoonka iyo ku-xigeennada.
Maalinta 22-Octoober, waxaa ku beegan hadal-jeedinta iyo musharaxiinta Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada.
23-Octoober, waxaa la qaban doonaa araajida musharaxiinta hoggaamiyaha iyo ku-xigeenka, halka 24-Octoober 2026-ka ay tahay hadal-jeedinta iyo Doorashada Hoggaamiyaha iyo ku-xigeenka.

