Guddiga Doorashada Galmudug oo qabatay Doorashada Kursiga ka dhimanaa aqalka sare

Guddiga Doorashada Galmudug iyo Guddiga Aqalka sare ee Baarlamaanka Galmudug waxay qabteen Doorashada Kursiga ka dhimanaa aqalka sare ee Galmudug, kursigaan waxaa  isku diiwaangeliyey 2 musharax oo kala ah:

1- Farxaan Cali Maxamuud

2-  Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed

Inta aan doorashada bilaaban waxaa ka tanaasulay tartanka Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed, kadibna waxaa Baarlamaanka Galmudug hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Farxaan Cali Maxamuud waxaana ogol ugu codeeyey 80 xildhibaan oo ah dhamaan kooramka Baarlamaanku ku furmay.

 

Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursiga aqalka sare  Farxaan Cali Maxamuud oo helay 80 cod..