Guddiga difaaca iyo amniga Aqalka Sare oo maanta u yeeray Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha

Guddiga difaaca iyo amniga Aqalka Sare oo maalmahaan ku hawllanaa akhrinta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, si ay wax uga waydiiyaan qodobada qaar ee sharciga oo ay uga baahdeen fasiraad iyo turxaan bixin dheeraad ah.

Kulanka oo uu soo xiray Guddoomiyaha guddiga difaaca iyo amniga Aqalka Sare, Senator Adam Abdinasir, ayaa wasiirka uga mahad celiyay siduu ugu faahfaahiyay qodobadii sharciga Hay’adda Nabad Sugidda oo ay turxaan bixinta uga baahnaayeen.