GUDDIGA DIFAACA EE GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY TALIYAYAASHA CIIDAMADA QALABKA SIDA

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa, xafiiskiisa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula yeeshay Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida oo uu hogaaminayey Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeya gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay Guddoomiyha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Yusuf Geele Ugaas ayaa Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida looga dhageystay talooyin ay soo jeediyeen oo ku saabsan Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka, waxaana ugu dambeyn ay isla qaateen in talooyinka iyo aragtiyada ay soo jeediyeen lagu daro Hindise-Sharciyeedka Difaaca Qaranka, maadaamaa uu muhiim uu yahay Difaaca Qaranka.