Guddiga difaaca baarlamaanka JFS oo kawada hadalay shaqooyinka hortebinta u leh guddiga ee kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka BJFS

Guddiga difaaca ee baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, oo ku gudo jira waajibaadkiisa shaqo ayaa kulan ay isugu yimaadeen ku lafo guray qodobada hoos ku xusan

1) Howlaha hortebinta u leh guddiga kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka BJFS

2) warbixin guud oo ku saabsan howlaha shaqo ee u qabsomay guddiga joogtada ah iyo furitaanka baarlamaanka

3) Abuurida Guddi hoosaadyada Guddiga Difaaca

4) Cabashada xildhibaanada ee la xiriirta is hortaaga Xildhibaanada in ay maraan jidadka.

5) Diyaarnta warbixin dhamaystiran oo ku salaysan marxalada wadanka, ciidanka xooga dalka iyo wasaaradda Gaashaandhiga