Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Muqdisho (Wargetska Dalka): –  Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda  la yeeshay Xafiiska Hantidhowraha Guud ee JFS.

Kulankan oo uu shirguddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Avv. Burhaan Adan Cumar ayaa ujeedkiisu ahaa latashi hordhac ah oo ku aaddan arrimo la xiriira Hantidhowrka Guud ee lagu xeerinayo cutubka Maaliyadda.

Kulammadan hordhaca ah ayaa lala yeelaan doonnaa dhammaan hay’adda maaliyadda, ayadoo lagala tashan doono cutubka Maaliyadda, oo ku abaaran Heshiiska Federaalaynta Maaliyadda.

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka wuxuu sidoo kale  Kulan Latashi  ah la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud.