Guddiga dib u eegista Dastuurka ee BJFS oo ka dooday dib u eegista cutubyada 𝟓-𝐚𝐚𝐝 illaa 𝟗-𝐚𝐚𝐝 ee Dastuurka KMG

Xubnaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka BJFS oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee ay u xilsaaran yihiin ayaa maanta shir ku yeeshay xafiiskooda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

kulanka oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurk ee BJFS Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidow), ayaa ajandihiisu ahaa dejinta qorshe howleedka guddiga ee ku aaddan kalfadhiga 5-aad ee BFS iyo dib u eegista cutubyada 𝟓-𝐚𝐚𝐝 illaa 𝟗-𝐚𝐚𝐝 ee Dastuurka KMG oo ay guddigu horray ugu direen guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka, si ay ugu soo sameeyaan dib u eegis ugana dhigaan luuqad Dastuur.

Howshaas oo guddigu ku guda jiro, isla markaana la marayo wajigii latashiyada dadweynaha ayaa dhawaan waxaa soo dhammaanaya qabyo qoraalkeeda koowaad.