Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga oo kulan muhiim ah ku yeeshay Villa Hargeysa

Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamulada gobolada ee golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa.

Kulanka waxaa shir guddoominaayay ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku- xigeenka guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye, waxaana kulanka ujeedkiisu uu ahaa isxog-wareysi ku saabsan shaqada guddiga, howlaha horyaallo iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa warbixin laga siiyay shirkii ka dhacay Magaalada Garoowe.