Guddiga Arrimaha Gudah ee Golaha Shacabka oo kulan su’aalo-weydiin ah kula yeeshay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa kulan su’aalo-weydiin ah kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi.

Kulanka oo ay guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh, ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey), iyo Xoghayaha Guddiga, Xildhibaan Maxamed Ibraahin Xasan.

Intii kulanku socday, xubnaha Guddiga ayaa ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyaha Booliiska warbixin guud oo ku saabsan xaaladda amniga dalka, hawlaha shaqo ee Wasaaradda Amniga, iyo qorsheyaasha Taliska Booliiska ee horumarinta amniga.

Kadib warbixinta, xubnaha Guddiga ayaa su’aalo muhiim ah weydiiyay Wasiirka iyo Taliyaha, kuwaasoo si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii la xiriiray amniga guud ee dalka, qorshaha sugidda amniga, iyo howlaha ciidamada booliska.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la joogteeyo kulamada noocaan ah, si loo xoojiyo wada-shaqeynta loona dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee qaranka.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Xildhibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh, oo kulanka soo xirtay, ayaa u mahadcelisay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi, iyadoo ku bogaadisay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan qaranka.