Gudaha Taliska ciidanka Asluubta oo soo saaray awaamir lagu aruurinayo caruurta dayacan

Taliska Ciidanka Asluubta ayaa soo saaray awaamir cusub oo lagu aruurinayo caruurta darbi-jiifka ah iyo kuwa aanan lahayn waalidiin daryeesha ee ay dantu ku kaliftay in ay banaanada maciin badaan.

Taliska ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshe lagu aruurinayo caruurtaas isla markaana loo diyaariyay Xarumihii lagu daryeeli lahaa oo leh goobo waxbarasho, caafimaad iyo dhaqan celin intaba.

Hadda ka hor ayey aheyd 2015kii markii ay Ciidamada Asluubtu magaalada Muqdisho ka aruuriyeen caruurta darbi jiifka iyo kuwa agoonta ah. Lix sanadood oo diyaarin iyo waxbarid ah keddib Taliska ayaa sheegay in caruurtaasi ay  hadda u diyaarsan yihiin sidii ay qayb uga noqon lahaayeen Bulshadooda ama u adeegida Qaranka Soomaaliyeed.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa guud ahaan ku mashquulsanaa sidii wacyi gelin iyo dhaqan celin loogu samayn lahaa dhalinyarada Caadeysatay isticmaalka Maandooriyaha, Awaamirtan cusub ee  Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ka soo baxdayna waxa ay sare u qaadaysaa yareynta caruurta darbi jiifka ah ee isticmaalaha Maandooriyaha iyo kuwa halista ugu jira in ay qayb ka noqdaan.