Goobta ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha oo la diyaariyay

Guddiga isku dhafka Baarlamaanka ee doorashada Madaxwaynaha  ayaa diyaariyay Hoolka teendhada Afisyooni oo ay ka dhacayso 15-May doorashada madaxweynaha 10-aad ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

15-ka bishan oo beri Axad ah ku beegan ayaa loo madlan yahay in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada madaxweynaha oo ay ku tartamayaan 39-musharax, inkastoo mid ka mid ah musharaxiintaas uu tanaasulay.

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ahmiyadda ay leedahay doorashada dhici doonto maalinta Axadda ah ee lagu dooranayo madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay leedahay aragti mideysan oo dan u ah qaranka.

Amniga goobta doorashada ay ka dhaceyso iyo guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo taliska Booliska Soomaaliyeed bandow ay ku soo rogeen magaalada oo ka bilaabanaya Caawa Fiidkii 9:00Pm kuna eg 12-ka subaxnimo ee isniinta soo socota.