Goob u dhow qunsuliyadda Maraykanka ee Erbil oo gantaalo lagu weeraray

Goob u dhow xarunta qunsuliyadda maraykanka ee magaalada Erbil ayaa lagu weeraray tiro gantaalo ah subaxnimadii hore ee saaka ilaa iyo 12 gantaal oo nooca balastika-dda ah ayaa ku dhacay dhismeyaal halkaas ku yaal sida ay sheegeen kooxda la dagaalanka Argagixisadda ee Kurdiyiintu iyagoo dhinaca kale xaqiiqiyey in aanu weerarku geysan wax khasaare nafeed ah.

Dhanka kale Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkan oo lala eegtay goob u dhow qunsuliyadda maraykanka.

Ra’iisul wasaaraha maamulka Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq (KRG) ayaa cambaareeyay weerarka isagoo shacabka faray inay raacaan awaamiirta Ciidamadda Amniga.