Golaha Wasiirrada XFS oo maanta ansixiyay hindisayaal dhowr ah

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyay  Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda.

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka Islaamiga ah.