Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay Xubnaha Golaha Sare ee Garsoorka Dalka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka duulaya soo jeedinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, waxay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen Xubnaha magacaabista ku imaanaya ee Golaha Sare ee Garsoorka, sida uu dhigayo Qodobka 145aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2026.

Golaha Wasiirrada oo uu Shir guddoomiyanayay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac  ayaa  meelmariyay Xubnaha soo socda oo kala ah laba (2) Qareen Sare iyo laba (2) Xeeldheere Sharci oo uu xilkooduna noqonayo shan (5) Sano, ka dib marka ay dhammeystiranto habraaca ansixintooda:

 

1. Maxamed-deeq Macalllin Aadan

2. Maryan Sheekh Cismaan

3. Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil

4. Cabdiqaadir Cali Macallin

 

Xubnahan ayaa ah kuwa keliya ee Magacaabis ku imaanaya, Halka Xubnaha kale ee Golaha Sare ee Garsoorka ay ku imaanayaan Xilkooda (Hadba Mas’uulka Xilkaas haya uu ka mid noqonayo Golahan), waxayna Xilalkan kala yihiin:

 

1. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

2. Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka

3. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

4. Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Caasimadda Jamhuuriyadda

5. Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqda Aadanaha.