Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay ka gaareen guulo badan.
Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka howgala dalkeenna iyo caqabadaha hortaaggan si xal loogu helo, iyada oo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo fulinta siyaasadda jaangoynta darajooyinka iyo mushaaraadka shaqaalaha dowladda.
Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale u dallacsiiyey darajada Safiir, Mudane Axmed Jaamac Cumar, iyada oo la tixgalinayo aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa.