Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha dalka

Golaha Wasiirrada XFS ayaa ansixiyey heshiis ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Turkiga.

Shirka Golaha wasiirada oo uu guddoomiyey Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa goluhu ku ansixiyey heshiiskaas oo uu dhawaan dowladda Soomaaliyeed u saxiixay Wasiirka difaaca dalka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 8-dii bishan heshiis ku qotoma Difaaca iyo Dhaqaalaha la saxiixatay Dowladda Turkiga, iyadoo heshiiskaas ay kala saxiixdeen Wasiirrada Gaashaandhigga labada dal.