Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, warbixinno la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee la qorsheynayo in dalka laga qabto.
Guddiga ayaa Golaha la wadaaggay Xogta liiska ku-meer gaarka ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha Gobolka Banaadir, waxaanay sheegeen in 30-ka bisha Nofeembar laga qaban doono caasimadda Muqdisho doorashada Golayaasha deegaanka.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee la xiriirta darajooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo la raacayo sharciga dooraashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka Degmooyinka Gobalka Banaadir.
Darajooyinka loo asteeyey degmooyinka ayaa kala ah, sagaal degmo oo darjada (A) ah iyo toddabo degmo oo darajada (B) ah.
Degmooyinka Darajada (A)
1. Hodan
2. Yaaqshiid
3. Deyniile
4. Kaaraan
5. Dharkeenley
6. Wadajir
7. Warta-Nabadda
8. Heliwaa
9. Howl-wadaag
Degmooyinka Darajada (B)
1. Waaberi
2. Shibis
3. Xamar-jajab
4. Boondheere
5. Xamar-weyne
6. Cabdicasiis
7. Shangaani
Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayay Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha, ahna Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansxiyay shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka, kuwaas oo kala ah;
๐. ๐๐๐๐ซ-๐ง๐ข๐๐๐๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐๐๐ก๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ฌ๐๐๐๐ค๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐ญ๐๐ซ๐๐๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐๐๐๐.
๐. ๐๐ข๐ง๐๐ข๐ฌ๐-๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐ข๐ฒ๐๐๐๐ค๐ ๐๐ก๐๐ซ๐๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐จ๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐.
๐. ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐ฅ๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐ญ๐ข๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐ฎ๐d๐ฎ๐ฎ๐๐๐ก๐ ๐๐ก๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ซ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐๐ก.
๐.๐๐๐๐ซ ๐ง๐ข๐๐๐๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐๐๐๐ก๐ ๐ค๐๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐.