Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya oo Maanta la dhaariyay

Baydhabo-(Wargeyska Dalka)-Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka qeybgalay kal fadhiga 1-aad kulankiisa 5-aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa codsaday in la ansaxiyo lana dhaariyo Xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee dhowaan uu magacaabay.

 

Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa cod aqlabiyad ah ku ansaxiyey Wasiirrada cusub, iyadoona la dhaariyey Xubnaha Wasiirrada oo uu dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Dr. Axmed Cali Muuse, Xubnaha Golaha Wasiirrada ay si rasmi ah u dhaarteen, una ballanqaadeen inay si Daacadnimo, Hufnaan iyo xilkasnimo leh u gudan doonaan waajibaadka ka saaran u adeegidda Shacabka iyo Horumarinta Dowladda Koonfur Galbeed.

 

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu hambalyeeyey Xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada xilka loo igmaday, isagoo ku boorriyey inay mudnaanta siiyaan dardargelinta adeegyada bulshada, adkeynta Amniga, Horumarinta Dhaqaalaha, Maamul wanaagga iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda.

 

Sidoo kale Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xusay in Golaha Wasiirrada cusub laga filayo wadajir, isla-xisaabtan iyo hufnaan, si loo xaqiijiyo himilooyinka Dowladda Goboleedka  Koonfur Galbeed iyo adeeg hufan oo Shacabka lagu gaarsiiyo.

 

Hogaamiyey Sheekh Aadan ayaa u mahadceliyey Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada sida ay u aqbaleen ansixinta Xubnaha Golaha Wasiirrada si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee horyaala Xukuumadda.