Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyay magacaabista Danjire Nuur Maxamuud Sheekh

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa kulankoodii maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabis Danjire , xilkaas oo loo magacaabay Mudane Nuur Maxamuud Sheekh , kadib soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah .

Mudane Nuur ayaa horey xilal sarsare uga soo qabtay urur goboleedka IGAD, ahna dublumaasi xirfad sare u leh xiriirka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ansixinta golaha kadib hadlay ayaa sheegay in kaadirka aqoonta durugsan u leh dublumaasiyadda uu xoojinayo siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, isaga oo Mudane Nuur u rajeeyay guul iyo xil-gudasho hufan.