Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan laqaatay Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed

Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka.

Golaha ayaa Bulshada Rayidka iyo haweenka Soomaaliyeed ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.