Golaha shacabka oo meel mariyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaannada Golaha Shacabka eeĀ  BFS ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka maareynta deegaanka, waxaana oggolaatay sharcigaasi 143 -xildhibaan, wax diiday iyo wax ka aamusay midna ma jirin.

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhowrista xogta, waxaana oggolaatay 143-xildhibaan oo ka dhigay dhamaan mudanayaashii maanta soo xaadiray kulanka.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa marsiinta akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise sharciyeedka la dagaallanka Argagixisada, akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise sharciyeedka maareynta deegaanka iyo akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise sharciyeedka dhowrista xogta iyo sidoo kale qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka hormarinta iyo maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed.