Golaha shacabka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Agendaha kulanka ee maanta ayaa ah, hadal-jeedinta musharaxiinta u tartamaya xafiiska guddoomiye ku-xigeenada 1aad iyo 2aad ee golaha shacabka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa shalay oo sabti ahayd dhageystay hadal jeedinta musharaxiinta isku diiwaangeliyay tartanka guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Sidoo kale, golaha Aqalka sare ayaa dhankooda shalay dhageystay dhammaan musharaxiinta isku diiwaangeliyay guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana lagu wadaa in maalinta talaadada ee soo socoto la qabto doorashada guddoonka aqalka sare, halka midka aqalka hoosena loo asteeyey maalinta arbacada ee taariikhdu ku beegantahay 27 abriil, 2022.