Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 10-aad, waxaana shir guddoominayay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horeyn kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad oo kukanka furay ayaa Xildhibaanadda Golaha kula dardaarmay in ay dhowraan xeerhoosaadka iyo nidaamka Golaha sidoo kalena ay ilaaliyaan wakhtiga soo xaadiritaanka Golaha.
Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyay hindise shaeciyeedka dad dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga, waxaana warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedkan golaha u akhriyay kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afeey).
Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay qodobada hindise sharcyeedkan iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay, iyaga oo su’aalo Hindise Sharciyeedkan ku saabsan weydiiyay wasiirka arrimaha gudaha iyo guddiga arrimaha gudaha.
Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo si rasmi ah kulanka u soo xiray ayaa faray guddiga arrimaha gudaha in hindise sharciyeedkan ay kusoo daraan aragtida iyo talooyinka Xildhibaanada ka dibna akhrintiisa sedaxaad ay dib golaha ugu soo celiyaan.