Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 30-aad, waxaana Shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Ugu horreyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta sedaxaad marsiiyey Heshiiska lagu dhisay Urur Goboleedka IGAD, waxaana warbixinta akhrinta sedaxaad ee Heshiiskan Golaha la wadaagay Xildhibaan Aweys Xuseen Macallin oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka.
intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod u qaaday Heshiiskan, waxaana ogolaatay 141-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, sidoo kalena hal Xildhibaan ayaa ka aamusay.
Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana Warbixinta akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedkan Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud ee Hindise Sharciyeedka weydiiyeen Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo ka jawaabay su’aalaha ay Xildhibaanada weydiiyeen.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga ku shaqada leh inuu soo diyaariyo akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta, dibna Golaha ugu soo celiyo si akhrinta labaad loo marsiiyo loogana doodo.


