Golaha Shacabka oo ansixiyay qaraar ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado Maalin Qaran

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa guddoomiyey kalfadhiga 7-aad kulankiisa 13-aad, kaasoo ku furmay kooram dhan 140 xildhibaan.

Ugu horreyn, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Saddexaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaalanka burcad-badeedka iyo ka hortagga afduubka ee Sharciga Lr.36, kaas oo markii hore soo baxay 30-kii April 1975. Xildhibaanadu marka ay cod u qaadeen Hindise Sharciyeedkan waxa oggolaaday 140 xildhibaan, mana jirin cid diiday ama ka aamustay, sida uu ku dhowaaqay Guddoomiye ku-xigeenka labaad.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa guda galay ajendaha ku saabsan qaraarka Golaha ee la doonayey in 14-ka October loo aqoonsado Maalinta Xasuuqa Qaran  loo geystay dhibbanayaasha  Soomaaliyeed oo ay u geysteen argagixisada . Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi, oo ka mid ah mudanayaashii soo diyaariyey mooshinka, ayaa Golaha horgeeyay warbixintii doodaha iyo aragtiyihii horey ay xildhibaanadu uga dhiibteen arrintan.

Ugu dambayn, xildhibaanada cod u qaaday qaraarkan ayaa u codeeyey in 14-ka October loo aqoonsado Maalin Qaran. Waxaa oggolaaday 137 xildhibaan, laba xildhibaan ayaa diiday, halka hal xildhibaan uu ka aamusay.