Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 27-aad, waxaana shir Guddoomonayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horreyn Xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Akhrinta sedaxaad marsiiyey, sidoo kalena u codeeyey Hindise-Sharciyeedka Macmiilka Danabeysan, waxaana ogolaatay 137-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.
Sidoo kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta sedaxaad marsiiyey, sidoo kalena cod u qaaday heshiisyada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan Iskaashiga Caalamiga ah ee Garsoorka, waxaana ogolaatay 129-Xildhibaan, toban Xildhibaan ayaa diiday, sidoo kalena hal Xildhibaan ayaa ka aamusay.
Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta koowaad marsiiyey Axdiga Dhallinyarada Afrika oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha uu Golaha la wadaagay warbixinta Akhrinta koowaad ee Axdiga Dhallinyara Afrika.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada Golaha uga mahadceliyey soo xaadiritaanka kulanka iyo gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, isagoo sheegay in dib loo celiyey U codeynta iyo Akhrinta sedaxaad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-baddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Sharci Lr.130 ee soo baxay April-2012, sababo la xiriira mas’uuliyiinta wasaaradda Hindise-Sharciyeedka soo diyaarisay oo aan kulanka imaanin, isagoo tilmaamay in Wasaaradda Maaliyadda arrintaasi lagula xisaabtami doono.

