Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise-sharciyeedka dembiyada kufsiga iyo anshax-xumada

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 24-aad, waxaana shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 140-Xildhibaan, waxa ugu horreyn Xildhibaanada Golaha ay u codeeyeen Hindise-Xeereedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada, waxaana ogolaatay 132-Xildhibaan, 3-Xildhibaan ayaa diiday, sidoo kalena shan Xildhibaan ayaa ka aamustay, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.

Dhinaca kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta sedaxaad marsiiyey Hindise-sharciyeedka Macmiilka Danabeysan, waxaana Xildhibaanada Golaha ay ka doodeen qodobada Hindise-sharciyeedka iyo muhiimada uu dalka u leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada Golaha uga mahadceliyey gudasbada waajibaadkooda dastuuriga, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay in ay ilaaliyaan dhaqanka, anshaxa iyo sharafka Golaha, iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah.