Muqdisho-Soomaaliy 03, October, 2025: Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa Tobanaad, waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.
Xildhibaanadda ayaa ugu horreyn Akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka macaamilka Danabeysan oo ay soo gubdisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada.
maadaama hindise sharciyeedka uu marayey Akhrintiisa koowaad kama furneyn wax dood ah, sidaas daraadeedna Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa su’aalo ku saabsan saameynta miisaaniyadeed ee Hindise Sharciyeedka iyo muhiimada uu dalka u leeyahay weydiiyey mas’uuliyiinta wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada.
Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa fartay Guddiga Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka inuu la wareego Hindise Sharciyeedka uuna soo diyaariyo Akhrintiisa labaad si uu golaha uga doodo.

