Golaha Shacabka oo akhrinta 2-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 13-aad ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa; 1. Qeybinta Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka  iyo Nabadsugidda Qaranka.

Furitaanka Aayadaha Qur’aanka kariimka maanta waxaa xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ka hor Aqriyay Sheekh Xasan Al-Waajidi oo kamid ahaa xubnaha culimadii ka qeybgalayay Shirka Culimada Soomaaliyeed ee dhawaan ku soo gabagaboobay magaalada muqdisho.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa soo xiray kulanka maanta Asigoona xildhibaanada siiyay muddo 3 maalin ah in ay ku soo Aqiryaan Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee maanta loo qeybiyay.

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, suud iyo qoraal

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad fadhiya, dad taagan iyo suud

Waxay noqon kartaa sawirka hal qof ama dad badan, dad taagan iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad taagan iyo gudaha