Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta yeeshay Kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 17-aad, waxaana shir-guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horreyn, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa dhammaystiray doodda ku saabsan dhibaatada Burcad-Badeedda iyo saameynta ay ku leedahay Bulshada Soomaaliyeed, iyadoo Kulanka lagu soo bandhigay xaaladda Burcad-Badeedda, sababaha ka qayb qaata iyo saameynta ay ku leedahay Amniga, Dhaqaalaha iyo Sumcadda Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.
Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xusay doorka iyo Mas’uuliyadda Golaha ee la-dagaallanka Burcad-Badeedda, gaar ahaan xoojinta Sharciyada Amniga Badda, ilaalinta Xeebaha, taageeridda Ciidamada Badda iyo xoojinta Iskaashiga Caalamiga ah.
Sidoo kale, Xoghayaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi ayaa Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhriyey Warbixinta Akhrinta Saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka oo uu Guddigu soo diyaariyey.
Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ka dooday Akhrinta Sedaxaad ee Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay qodobada Hindise Sharciyeedkan iyo muhiimada uu Dalka u leeyahay, waxaana Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo Kulanka soo xiray uu faray Guddiga Khayraadka ee Golaha inuu kusoo daro doodaha iyo aragtiyada Xildhibaanada, dibna Golaha ugu soo celiyo.
Ugu dambeyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka-hortagga ka Ganacsiga Sharci-darrada ah ee Dawooyinka maanka dooriya iyo kuwa kale ee maanka saameeya ee 1988, iyo Heshiiska Axdiga Aas-aasidda Hay’adda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta.













































