Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Golaha Shacabka iyo Xukuumadda, si waafaqsan Dastuurka, shuruucda dalka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, loona dardargelin lahaa shuruucda mudnaanta u leh howlaha Qaran ee horyaalla Golaha.




