Golaha Shacabka BJFS oo maanta Muqdisho ku yeelanaya kulan aan caadi aheyn

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya kulan aan caadi ahayn, kulankaas oo uu ka qayb geli doona Guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika, Joseph Ntakirutimana.

Xoghayaha guud ee Golaha shacabka Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulanka maanta uu ku saabsan yahay sidii loo dardar gelin lahaa tallaabooyinka loo marayo matalaadda ay Soomaaliya ku yeelan doonto Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo ay dhowaan ku biirtay.

Xoghayaha ayaa sheegay in soo xulista 9-ka xubnood loo mari doono habraac gaar ah, kuwaas oo ka iman doonaan bulshada lana marsiin doono shuruucda u degsan Ururka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika, Joseph Ntakirutimana ayaa shalay kulan la qaatay Aqalka saree e Baarlamaanka Soomaaliya.