Golaha Aqalka Sare oo markale sii wada maanta ka doodisata xeer hoosaadka Golaha

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Abdi Hashi Abdullahi oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta shir guddoominaya kalfadhiga labaad kulankiisa 6aad oo maanta ka Furmay xarunta golaha

Ajandaha kulanka Goalha ayaa ah Sii Wadida Ka Doodista Xeer hoosaadka Golaha aqalka Sare,kulanka oo socda ayaa xildhibaannadu waxa ay dood adag ka leyihiin Qodobada uu ka kooban yahay xeer hoosaadka golaha.