Golaha Aqalka sare oo ka dooday dhismaha guddiyada golaha

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku-xigeennadiisa ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 6-aad, kaasoo lagu qabtay xarunta golaha.

Kulanka oo ay soo xaadireen 48 Sanatar, ayaa diirada lagu saaray Dhismaha guddiyada golaha Aqalka Sare, waxayna mudanayaasha qaar ka aragti dhiibteen dood sharci oo ku saabsan hannaanka doorashada guddiyadda iyo guddoonkooda.